Somaliland oo lacag hor leh suuqeeda gelinaysa

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Xukuumada Somaliland oo dhawaan ku dhawaaqday in dhaqaaluhu uu aad hoos ugu dhacay ayaa qaadatay in ay soo daabacdo lacag hor leh oo shilinka maamul kaasi kamid ah.

Maamulkaan oo horey loogu qiyaasay lacagta shilinka ee suuqyadiisa wareegta 30 milyan oo shlinka maamulkaasi ah ayaa haatan daabacaya 38 milyan oo hor leh.

Ismaaciil Axmed Ibraahim oo ah aas-aasaha shirkadda Xawaaladda ee World remit ayaa sheegay in Bankiga dhexe ee maamulku uu siiyay shirkadda, De La Rue qandaraaska daabacaada lacagta iyada oo qaadanaysa 25%.

Shirkadaan oo fadhigeedu yahay magaalada, Basingstoke ee wadanka Ingiriiska ayuu ismaaciil ku tilmaamay mid fadeexado ku dhex jirta isla markaana Ingiriiska, India iyo Kenyaba laga soo dacweeyay.

Heerka sicir bararka Somaliland ayaa cirka isku sii shareeray iyada oo dadku ay ka cabanayaan canshuuro xoog leh oo la saaray maciishadaha quutul duruuriga u ah dadka.

Colaada Sool ayay Somaliland sheegtay in ay saamayn ku yeelatay dhaqaalaha xilli wali Muuse Biixi uu u durbaan tumayo abaabulka aan qarsoodiga ahayn ee ay ka wadaan deegaano hoostagga Burco.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM