​Somaliya: Madaxweynaha oo Turkiga shir u aaday

Image

MUQDISHU- Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u kicitimay dalka Turkiga, gaar ahaan magalada Istanbul, oo lagu qabanayo shirweyne looga hadlayo arrimaha bini-aadanimada caalamka, waxaana kasoo qayb galaya madax kasocota ku dhawaan boqol dal.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon, waxaana diiradda lagu saarayaa sidii loo yaranayaa tacadiyada dunida ka dhacaya oo halkii ugu sarraysay maraya wixii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee Addunka.

Arrimaha qaxootiga ayaa lagu soo hadal qaadi doonaa, iyadoo la filayo in xal loo raadiyo muhaajiriinta kor u dhaafaya 600 Milyan ee ku kala baahsan Adduunka.

Somalia ayaa kulankaasi lagu casuumay, sababtoo ah waxay kamid tahay dalalka ugu badan ee  shacabkiisu qaxooti ahaan ku joogo waddamo kale.

Madaxweynaha dowladda Somalia ayaa shirkaasi ka jeedin doona khudbad ku aadan xaaladda waddanka ee dhinaca tacaddiga, waxaana inta uu socdo la filayaa in laga soo saaro hishiis lagu yaraynayo dhibaatooyinka ka dhanka  ah bini-aadanimada.

Shirkan ayaa socon doono muddo labo maalin ah, waana markii ugu horaysay ee xukuumadda Istanbul qabato, waxana la filayaa inay yimaadaan in kabadan 6000 oo aqonyahan.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Madax sare oo ka tirsan labada Gole ee Dowlada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM