​Somaliya: Madaxweynaha oo Turkiga shir u aaday

Image

MUQDISHU- Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u kicitimay dalka Turkiga, gaar ahaan magalada Istanbul, oo lagu qabanayo shirweyne looga hadlayo arrimaha bini-aadanimada caalamka, waxaana kasoo qayb galaya madax kasocota ku dhawaan boqol dal.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon, waxaana diiradda lagu saarayaa sidii loo yaranayaa tacadiyada dunida ka dhacaya oo halkii ugu sarraysay maraya wixii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee Addunka.

Arrimaha qaxootiga ayaa lagu soo hadal qaadi doonaa, iyadoo la filayo in xal loo raadiyo muhaajiriinta kor u dhaafaya 600 Milyan ee ku kala baahsan Adduunka.

Somalia ayaa kulankaasi lagu casuumay, sababtoo ah waxay kamid tahay dalalka ugu badan ee  shacabkiisu qaxooti ahaan ku joogo waddamo kale.

Madaxweynaha dowladda Somalia ayaa shirkaasi ka jeedin doona khudbad ku aadan xaaladda waddanka ee dhinaca tacaddiga, waxaana inta uu socdo la filayaa in laga soo saaro hishiis lagu yaraynayo dhibaatooyinka ka dhanka  ah bini-aadanimada.

Shirkan ayaa socon doono muddo labo maalin ah, waana markii ugu horaysay ee xukuumadda Istanbul qabato, waxana la filayaa inay yimaadaan in kabadan 6000 oo aqonyahan.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Madax sare oo ka tirsan labada Gole ee Dowlada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM