Soomaali kamid ah malaayiin Xujey loo daabulayaa degaanka Mina

Image
Tirada xjeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan ayaa waxaa la sheegay in ay gaareyso illaa 11,500 Xaaji.

RIYADH, Saudi Arabia - Iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalinta 8aad ee Bisha Dulxij oo loo yaqaano (Yowmu Tarwiya) maalinta aroorka ayaa Malaayiin xujey ah oo adduunka iskaga yimid ay degayaan deegaanka Mina ayaa Xujeyda Soomaaliyeed oo ka mid ah loo daabulayaa Mina.

Ilaa 230 Bus oo kiiba loo qorsheeyey inuu qaado 50 Xaaji ayaa lagu daabulayaa' xujeyda saaka'  iyadoo qeybtii ugu horeysay ay xalay gelinkii dambe ilaa waaberigii saaka ay  degeen goobihii loo diyaariyey.

Tirada xjeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan ayaa ah 11,500 xaaji iyadoo  marka lagu daro xubnaha bicisada ay noqonayaan 11,715  oo intooda badan ay yihiin culimada iyo masuuliyiinta dowlada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Jubaland

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay inay gabi ahaanba la wareegtay saldhigga iyo jasiiradda Kudhaa.

  • Soomaliya

    21-01-2026

  • 09:09AM

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM