Soomaali laga cabsi qabo in ay ku dhinteen Doon ku degtay Talyaaniga

Image

ROMA, Italy – Meydadka shan muhaajiriin oo ku dhintay Doon ku qalibmatay xeebaha Lampedusa todobaad kahor ayaa la helay, sidda a sheegeen ilaalada xeebaha Talyaaniga. Tiraddan waxay geerida ka dhigeysaa 18.

Doonta oo dadka laga soo badbaadiyey ay ka yimaadeen Libya ayaa waxaa sababta keentay in ay rogmatay lagu sheegay cimiladda oo xumeyd. Wadarta guud ee la socotay waxaa lagu sheegay 170 rakaab ahaa.

Ilaaladda xeebaha Lampedusa ayaa ku guuleystay in ay soo badbaadiyaan 147 kamid ah muhaajiriintii saarnaa Doonta.

"Kaliya waxaan awoodnaa in aan ka aamusno geerida," sidaas waxaa laga soo xigtay Totò Martello oo ah duqa Lampedusa.

Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in ay baaritaan baaxad leh ku sameyn doonan dhacdadaan si loo maxkamadeeyo Magafeyaasha.

"Waxaanu awoodnaa in aan meydadka kasoo badbaadino badda, maxaa yeelay iyagaa goostay in ay soo raacaan, waxaanu isu dhiibay aamusnaanta iyo kala duwananashiyaha," ayuu cadeeyay.

Iyadda oo badi dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ay kasoo jeedaan Tunisia, Algeria iyo Pakistan, waxaa jirtay cabsi ah in ay Soomaali kamid yihiin, maadaama aagaas horey looga soo wariyey arrintaas.

Sidda laga soo xigtay Hay'adda Caalamiga ah ee Muhaajiriinta, in ka badan 1,100 muhaajiriin ah ayaa kaliya sanadkan 2019-ka waxay ku naf-waayeen qaar kalena lagu la'yahay biyahan markii ay soo mareen Mediterranean.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo xoojisay la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah

Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inay sanadkii ku lumiso ku dhowaad 300 milyan oo doollar kalluumaysiga sharci-darrada ah.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 12:13PM

Gudoomiyah Baydhabo oo lagu soo rogay Xabsi Guri xili xiisad ka jirto Koonfur Galbeed

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dowladda faahfaahin dheeraad ah ka bixiso xaaladda sharciga ah ee guddoomiye Watiin.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 01:27PM