Soomaali siyaabo kala duwan loogu dilay India iyo Koonfur Afrika

Image
Soomaalida ayaa ganacsiyo ku leh Koonfur Afrika. Sidoo kale, waxay Hindiya u aadaan waxbarasho iyo adeeg caafimaad.

NEW DELHI, India - Laba dhalinyaro Soomaali ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu kala dilay dalalka Hindiya iyo Koonfur Afrika, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta Jaaliyadda ee waddamadaas.

Maxamed Fiin oo arday ahaa ayaa lagu toogtay magaalada caasimada ah ee New Delhi. Booliska wuxuu sheegay in ay soo qabteen eedeysaneyaal. Balse, ma cadda sababta loo beegsadey.

Cabdinaasir Maxamuud Cabdi oo ahaa ganacsade ayaa lagu khaarijiyey magaalda Cape Town. Kooxo burcad ah ayaa lagu waramay in ay ka dambeeyeen falkaas. Lama ogga sababta.

Taliska Booliska Koonfur Afrika ayaan wali wax war ah kasoo saarin. Madaxda Jaaliyadda Soomaalida ee dalkaas waxay sheegeen in bileyska uusan kaga jawaabin codsi ku saabsan sharaxaad.

Safaaradaha Soomaaliya ee Hindiya iyo Koonfur Afrika ayaa ka gaabsadey wicitaano warbaahinta u dirtey oo ku saabsanaa in ay ka hadlaan dhacdooyinkan lagu beegsadey muwaadiniinta.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo warsidaha Garowe Online uu la xiriiray ayaa sheegtay in ay la socoto dhacdooyinkan balse ay ka baaraan-dageyso qaabka ay uga falcelineyso.

Soomaalida ayaa ganacsiyo badan ku leh Koonfur Afrika. Sidoo kale, waxay Hindiya u aadaan waxbarasho iyo adeeg caafimaad. Balse, waxaa aad u badan xadgudubyadda loogu geystay dalalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo Meel-mariyey Wax-ka-beddelka Dastuurka xilli ay jirto Diidamo xooggan

Diidmadan ka timid Gollaa Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa kusoo aadaysa xilli ay socdaan baaqyo ku aaddan in la ilaaliyo midnimada.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 01:57PM

Mas’uuliyiin iyo Xildhibaanno lagu jirdilay, laguna afduubey Muqdisho 

Puntland waxay dusha u saartay mas'uuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhasha falkaas Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 10:50AM