Soomaali uu Coronavirus ku xayiray Kenya oo lagu celiyey Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii afaraad waxay magaladda Muqdisho kusoo celisay muwaadiniin ay sheegtay in uu Coronavirus ku xayiray caasimadda Kenya ee Nairobi.

Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ayaa lagu waramay in ay fududeysay soo laabashadda muwaadiniinta, kuwaas oo iyaga iska bixiyey lacagta diyaaradda soo qaadey oo ah mid si gaar ah loo leeyahay.

Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, wasiirka duulista hawada xukuumadda federaalka, ayaa farxad ka muujiyey talaabadan.

Sidda laga soo xigtay wasiirka, waxaa saacadaha soo aadan la filayaa in ay dalka kusoo laabtaan muwaadiniin kale oo wadamo kale ku xayiran.

Turkiga ayaa kamid ah meelaha Soomaalida uu Covid-19 ku go'doomiyey, waxaana bilooyinkii lasoo dhaafay socday daad-gureyntooda.

"Waxaa maanta garoonka AAIA soo gaaray muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa waddanka Kenya. Waxaa sidoo kale goor dhow waddanka ku soo laaban doona muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayiran waddamo kale," ayuu kusoo qoray barta uu ku leeyahay mareegh Facebook-ga.

Safmarka Covid-19 ayaa kala xiray isu socodka caalamka, waxaana ugu wacan xayiraadda la saarey duulimaadyadda aduunka oo aan wali si rasmi ah loo qaadin sabab ku aadan cabsida wali laga qabo xanuunka faafa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu xalin karo xiisadda Masar iyo Itoobiya

Hadalkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Itoobiya si rasmi ah u daahfurtay biyo-xireenka.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 12:28PM

Booliiska oo Xiray TikTokers Heestii Ololaha Doorashadda Xasan Sheekh u bedelay Aflagaado

Xariggan ayaa dib u kiciyay dood adag oo ku saabsan doorka baraha bulshada ee Soomaaliya, gaar ahaan TikTok.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 06:03AM