Soomaaligii ugu horeeyay ee lagu qabto dagaalka Ruushka & Ukraine oo soo hadlay

Image
Dagaalka Ruushka & Ukraine ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca in ka badan 600,000 oo askari.

Kyiv (GO) - Maxbuus Soomaali ah oo ciidamada Ukraine ay qabteen xili uu ka barbar dagaalamayay ciidamada Ruushka ayaa sheegay inuu doonayay inuu waardiye ka noqdo dalka Ruushka ka hor inta aan isagoon ogeyn loo dirin furimaha dagaalka.

Ninkan lagu magacaabo Bashiir ayaa sheegay in waxa uu doonayay ay tahay in uu helo dhaqaale ku filan oo u diro qoyskiisa ku nool Soomaaliya, islamarkaana uu u heli lahaa nolol dhaanta tii hore.

Bashiir ayaa sheegay in bishii August ee sanadkii hore uu u safray dalka Ruushka si uu shaqo u raadsado, xilli uu arkay boorar xayeysiinaya ka qeyb galka Ciidamada Ruushka.

Waxa loo sheegay in la tababari doono oo uu ka shaqayn doono gudaha dalka Ruushka oo kaliya, isaga oo aaminsanaa in uu waardiye ka noqon doono xarun ciidan, sida uu hadalka u dhigay.

"Waxaan is lahaa waardiye ayaa noqon doonta, oo kaliya amar ku leh ciddi albaabkaas ka soo geli karta iyo kuwa loo diido." ayuu yiri Bashiir.

Bashiir ayaa noqday Soomaaligii ugu horeeyay ee lagu qabto dagaalka ka qarxay Ruushka & Ukraine Febraayo 24, 2022, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca in ka badan 600,000 oo askari oo labada dhinac ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM