Soomaaliya: Al-Shabaab oo dishay muwaadiniin u dhashay Kenya

Image

KUUNYA BARROW - Kooxda Al Shabaab ayaa Koonfurta Soomaaliya ku dishay Muwaadiniin u dhashay wadanka Kenya, oo ay ku eedeysay inay u basaasayeen ciidamada difaacca dalka Kenya [KDF].

Xasan Yuusuf iyo Maxamed Xasan oo kasoo jeeda gobolka Marsabit ee dalka Kenya ayaa dilay fagaaro ku yaalla degmada Kuunya-Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo dilkooda loo adeegsaday Baangad.

Dilka waxay Al-Shabaab ku fulisay raggan maalintii Isniintii ahayd ee lasoo dhaafay, 12-kii bishan February, sida lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha Afka Kooxda.

Boqolaal dadweyne ah, oo caruur iyo dumar ay isagu jireen ayaa la isagu keenya goobta fagaaraha ee dilka ka dhacayay, kuwaasi oo Al-Shabaab amartay maalintaasi inay fagaaraha yimaadaan, iyagoo ganacsigooda xiray.

Xasan iyo Maxamed ayaa kamid ahaa ajaaniibta ka barbar dagaalama Al-Shabaab, iyadoo lagu eedeeyay inay si qarsoodi ah ugu basaasi jiray ciidamada dowladda Kenya, ee ka howlgala gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Illaa hadda, in ka badan 20 muwaadin oo Kenyan ah ayay Al-Shabaab dishay shantii sano ee lasoo dhaafay, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen Askar ay kusoo qabatay weeraradii Ceel-Cadde iyo Kulbiyow 2016-2017.

Waxaa kamid muwaadiniinta Kenyan-ka ah ee ay Al-Shabaab ay dishay, Jared Mokaya, Faraj Abdulmajid, Axmed Yuusuf, Axmed Nuur, Cabdi Cosoble, Cabdullaahi Talaal iyo Haashin Cismaan.

Sanadkii tagey, Al Shabaab ayaa degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, ee Koonfurta Soomaaliya ku dishay afar ay ku eedaysay jaajuusnimo. Jamaame waxay 70KM dhanka waqooyi uga beegan tahay Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM