Soomaaliya: Al-Shabaab oo dishay muwaadiniin u dhashay Kenya

Image

KUUNYA BARROW - Kooxda Al Shabaab ayaa Koonfurta Soomaaliya ku dishay Muwaadiniin u dhashay wadanka Kenya, oo ay ku eedeysay inay u basaasayeen ciidamada difaacca dalka Kenya [KDF].

Xasan Yuusuf iyo Maxamed Xasan oo kasoo jeeda gobolka Marsabit ee dalka Kenya ayaa dilay fagaaro ku yaalla degmada Kuunya-Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo dilkooda loo adeegsaday Baangad.

Dilka waxay Al-Shabaab ku fulisay raggan maalintii Isniintii ahayd ee lasoo dhaafay, 12-kii bishan February, sida lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha Afka Kooxda.

Boqolaal dadweyne ah, oo caruur iyo dumar ay isagu jireen ayaa la isagu keenya goobta fagaaraha ee dilka ka dhacayay, kuwaasi oo Al-Shabaab amartay maalintaasi inay fagaaraha yimaadaan, iyagoo ganacsigooda xiray.

Xasan iyo Maxamed ayaa kamid ahaa ajaaniibta ka barbar dagaalama Al-Shabaab, iyadoo lagu eedeeyay inay si qarsoodi ah ugu basaasi jiray ciidamada dowladda Kenya, ee ka howlgala gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Illaa hadda, in ka badan 20 muwaadin oo Kenyan ah ayay Al-Shabaab dishay shantii sano ee lasoo dhaafay, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen Askar ay kusoo qabatay weeraradii Ceel-Cadde iyo Kulbiyow 2016-2017.

Waxaa kamid muwaadiniinta Kenyan-ka ah ee ay Al-Shabaab ay dishay, Jared Mokaya, Faraj Abdulmajid, Axmed Yuusuf, Axmed Nuur, Cabdi Cosoble, Cabdullaahi Talaal iyo Haashin Cismaan.

Sanadkii tagey, Al Shabaab ayaa degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, ee Koonfurta Soomaaliya ku dishay afar ay ku eedaysay jaajuusnimo. Jamaame waxay 70KM dhanka waqooyi uga beegan tahay Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM