Soomaaliya: Al-Shabaab toogasho ka fulisay gobolka Hiiraan

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa maanta fagaaro ku yaalla deegaanka Buq-caqable ee gobolka Hiiraan ku toogatay Askari katirsanaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Askariga oo lagu magacaabi jiray Sahal Axmed Rasle ayaa gacanta lagu dhigay isagoo la socday Gaari Shacab oo ka baxay Muqdisho, kuna sii jeeday degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Al Shabaab ayaa sheegtay in Askariga uu kamid ahaa ciidamada ay tababartay dowladda Imaaraadka, islamarkaana ay qabteen isagoo safar dhanka dhulka ah ugu socdaalayay magaalada Caabudwaaq.

Dadweyne aad u fara badan ayaa isagu soo baxay fagaaraha Askariga lagu toogtey, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen caruur iyo haween. Maxkamad ay leedahay Al Shabaab ayaa xukunka dilka ah ku riday Sahal Axmed.

Al Shabaab ayaa inta badan dilal ku fulisa Askarta dowladda iyo dadka la shaqeeya, iyadoo dagaal kula jirta mudo ka badan 10 sano dowladda Federaalka iyo AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM