Soomaaliya: Aqalka Sare oo hakiyay Dhexdhexaadinta Gollaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiigii Aqalka Sare ee loo xil-saarey xalinta Khilaafka Gollaha Shacabka, ayaa joojiyay dhex-dhexaadintii uu wadey, kadib markii ay mira-dhal noqon waysay.

Go'aanka ayaa yimid kadib markii ay iscasileen saddex kamid ah xubnaha, oo kala ah Maxamud Axmed Maxamud (Mashruuc), Maxamed Amiin Sheekh Cismaan iyo Cabdi Xasan Cawaale [Qeybdiid].

Guddiga oo ka koobnaa 7 xubnood, oo uu gudoomiye u yahay Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa la magacaabay 17-kii bishan, si ay xal waara ugu helaan Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya gudoonka Gollaha Shacabka iyo Xildhibaanada.

Xalay ayuu shaaciyay Guddiga inay fashilantay waan-waantii uu wadey, kadib markii kulamadii ay la qaateen dhinacyada isku haya Mooshinka Jawaari laga keenay ay noqdeen kuwa mira-dhali waayay, oo ismariwaaga jira uu yahay mid aysan xal u heli karin. Halkan ka akhri.

Garabka Jawaari ayaa sheegay xalay inuu burburay Mooshinka, kadib markii waqtigii loo qabtey ee 10-ka maalmood lagu horkeeni waayay Gollaha Shacabka, iyadoo waqtigaasi ku ekaa 28-ka Maarso.

Khilaafka taagan ayaan la ogeyn halka uu caga-dhigan doono, iyadoo Xildhibaanada Gollaha Shacabka labo u kala jabeen, kuwa difaacaya Jawaari iyo kuwa taageera ka helaya Xafiiska Ra'iisul Wasaare Khayre oo doonaya inay xilka ka qaadaan gudoomiyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM