Soomaaliya: Askar lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley hubaysan ayaa dilal kala duwan waxay xalay ka fuliyeen gudaha magaalada Muqdisho, ee Caasimadda wadanka Soomaaliya.

Dilalkan ayaa waxaa loo geestay labo Askari oo ka kala tirsanaa ciidamada Booliska iyo Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha laamaha amaanka dalka.

Dilka koowaad degmada Waaberi, halkaasi oo saddex nin oo hubaysan ay ku toogteen Askari Boolis ah oo magaciis alagu sheegay Maxamed Xasan, kaasi oo jidka loo galay isagoo kusii jeeda Hoygiisa.

Sidoo kale, Koox Bastoolado ku hubaysan ayaa xaafadda Black Sea ku dilay Askari Militariga kamid ahaa, waxaana dilkiisa geestay labo nin oo bastoolado ku hubaysan oo markii dambe goobta ka baxsaday.

Ciidamada NISA ayaa gaarey labada goobood ee dilalka ay ka dhaceen, waxayna sameeyeen howlgal aan cidna lagu soo qaban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM