Soomaaliya: Beelo ka cabanaya cagajugleyn oo loo diiday inay banaanbaxaan

Image
Diyaargarowga banaanbax cadaalad loogu raadinayo Jeneraal Sheegow.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubnaha Beesha Soomaali Baanto ama Jareer weyne ayaa mudooyinkii u dambeeyay ka cabanayey in Hay’adaha amaanka ay kula kacaan falal cunsurinimo ah, isla markaana lagu dhibaateeyo wadooyinka iyo goobaha ay dadku isugu yimaadaan.

Dhaqamadaan ayaa bilowday, sida ay sheegeen qaarkood, kadib banaanbaxyadii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee ka dhashay xariga Jeneraal Sheegow.

Waxa ay sheegeeyn in Nolol maalmeedkoodii aysan aheyn sidii hore, waxaana laga hor istaagay inay sameystaan xafladaha guurka ah, dhamaan shacab iyo siyaasiyiinba.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar laga hortagayo banaanbaxyada aan fasax looga heysan laamaha ammaanka, xilli ay beesha Jareerweyne qorsheynaayeen in Axadii ah ay isugu soo baxaan wadooyinka Muqdisho.

Siyaasi Siidow Macalin ay Bulshada soomaaliyeed ku barteen difaacidda xuquuqda shacabka Soomaali Baanto ayaa sheegay in ciidamada nabadsugida ay dhowr mar ka baadigoobeen gurigiisa isaga oo hataan ku sugan meel uusan sheegin.

Siidow waxa uu sheegay in uu qoyskiisa ka maqan yahay muddo toddobaad ah, isaga oo ka cararaya in xabsi loo dhigo maxaad u difacaysa dadkaaga sida uuu hadalka u dhigay.

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo arrintaasi ka hadlay ayaa ka nuuxnuuxsaday dhibaatada ka dhalan karta in la beegsado beelo gaar ah, loona baahan yahay in loo ogolaado inay aragtidooda dhiibtaan.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed SJS, Cabdullaahi Axmed Moamen ayaa yiri:

“Waa in la cambaareeyaa hanjabaadaha loo jeedinayo beeshan iyo madaxdooda. Waa in sidoo kale la cambaareeyaa kuwa ku kacaya dambiyadaas iyaga oo adeegsanaya magaca dowladda.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM