Soomaaliya: Beyle oo ka hadlay khilaafka Dekeda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta ka hadlay khilaafka ka taagan Canshuurta Dekedda Muqdisho.

Shir jaraa'id oo uu ku qabtay maanta Muqdisho, ayaa Beyle ka warbixiyay qiimaha canshuurta ee ay ka cabanayaan Ganacstada, taasi oo maalimihii dambe is-mariwaa ka abuurtay shaqooyinka Dekedda.

Wasiirka ayaa beeniyay war kasoo baxay shalay Ganacsatada gobolka Banaadir oo ku aadan canshuur kordhin ay Wasaaradda Maaliyadda ku sameysay badeecooyinka iyo alaabaha kasoo daga furdada.

Beyle ayaa sheegay in ay jirto 10 canshuur oo Ganacstada waajib ay tahay in laga qaado, balse duruufo jiro awgeed ay ku soo koobeen oo keliya 3 canshuur, iyadoo taasina horey ugu qanceen Ganacsatada.

Waxuu dhanka kale Wasiir Beyle usoo bandhigay Saxaafadda warqado oo uu sheegay in Ganacstada iyo Wasaaradda Maaliyadda in ay kala saxiixdeen markii isbedelka lagu sameynaya qiimaha canshuurta.

Beyle ayaa intaasi ku daray inuu diyaar u yahay marwalba in Ganacsatada uu la fariisto, islamarkaana kala hadlo cabashooyinkooda ku aadan dhanka Canshuuraha Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Hadalka Beyle ayaa kusoo beegmaya xilli Dekeda ay maalmo shaqadeeda ay ahayd mid gaabis ku yimid, kadib markii Ganacstada ay sheegeen in laga qaado canshuur aan sharci ahayn, taasi oo ka biyo diideen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM