Soomaaliya: Ciidamada Kenya oo duqeeyay Ceel Waaq

Image
Image

CEEL WAAQ, Soomaaliya - Ciidamada Kenya ayaa duqeyn ka fuliyay magaalada Ceel Waaq ee gudaha Soomaaliya, iyagoo sidoo kale burburiyay xarun ay leedahay Shirkad Isgaarsiineed.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe ay diyaaradaha Militariga Kenya ay gantaallo ku garaaceen Deegaanka Ceel Banda, oo qiyaastii 2Km dhanka Koonfur uga beegan Ceel-Waaq, islamarkaana ku yaalla Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamada ayaa saaka gudaha u galay deegaankaasi, waxayna qarax ku xireen Taawarka Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kadibna sidaasi ku burburiyay, sida qof kamid ah dadka deegaanka uu u sheegay Garowe Online.

Deegaanka Ceel Banda waxaa ku sugnaa ciidamada dowladda Federaalka xilliga weerarka kuwaasi oo awoodi waayay inay kahor tagaan burburinta hantida shacabka ee Tuulada iyo xarunta Shirkadda Isgaarsiinta.

Odayaasha degmada Ceel Waaq ayaa sheegay inay kulan ka leeyihiin weerarka ciidanka Kenya, kaasi oo ay sheegeen inuu yahay mid aan la aqbali karin, islamarkaana ay kala hadli doonaan dowladda Kenya.

Dowladda Kenya, gaar ahaan wasaaradda difaaca dalkaasi kama aysan hadlin sababta ay ciidamada u weerareen deegaanka ku yaalla duleedka Ceel Waaq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM