Soomaaliya: Ciidamo lagu badalayo kuwa isaga soo baxay furimaha dagaalka oo la abaabulay

Image

CADALE, Soomaaliya - Tobaneeyo askar ah oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ka baxay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeday jiidaha hore ee dagaalka oo ay horay uga baxeen qaar ka mid ah ciidamada deegaanka.

Ciidamadan ayaa markii ay ka baxeen magaalada Muqdisho waxa ay fariisin ka dhigteen magaalada xeebta ah ee Cadale ka hor inta aysan u ambabixin deegaanada ay colaaddu ka taagan tahay ee gobollada Mudug & Galgaduud si ay u hoggaamiyaan dagaallada halkaasi ka socda.

Ciidankaan ayaa tababar ku qaatay Saldhiga Balidoogle, waxaana inta badan ay ka kala yimaadeen magaalooyinka ay ka socdaan dagaalada ka dhanka ah 'AS'.

Dagaallada ayaa hadda ka socda koonfurta gobolka Madug, halkaasoo ciidamada dowladda ay ku guuleysteen in deegaanno badan ay ka xoreeyaan kooxda ‘AS’ iyaga oo garab ka helaya kuwa deegaanka iyo dalalka saaxiibka la ah.

Waxaa xusid mudan in kooxo ka tirsan ciidamada dowladda ay isaga baxeen furumaha dagaalka ee gobolka Galgaduud kadib weerarkii Cowsweyne oo lagu dilay tobaneeyo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM