Soomaaliya: Dagaal culus oo ka dhacay duleedka Balcad

Image

BALCAD, Soomaaliya - Iska Hor-imaad xooggan oo u dhaxeeya Al Shabaab iyo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacay saaka oo Axad ah deegaan ku yaalla duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa billowday kadib markii Xoogag katirsan Al Shabaab ay weerareen fariisin ciidamada Militariga dowladda ku leeyihiin Tuulada Gogoley, oo ku dhaw Balcad, waxaana labada dhinac isku adeegsadeen hubka culus.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online inay maqlayeen madaafiic xooggan iyo qaraxyo kahor inta uusan dagaalka billaaban, iyagoo intaasi ku daray in ciidamada dowladda Soomaaliya ay isku caabiyeen weerarka lagu soo qaadey.

Saraakiisha ciidamada ayaa xaqiijiyay in tiro dagaalyahanno ah ay Al Shabaab ay ku dileen dagaalka, qaar kalena ay dhaawaceen, waxaana ay meesha ka saareen inuu dhankooda uu khasaaro soo gaarey.

Xaaladda ayaa hadda degan, iyadoo fariisinka iyo guud ahaan deegaanka ay wali gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo sare u qaadey feejignaantooda weerarka gaadmada ah kadib, waxayna fuliyene howlgallo amni.

Al Shabaab ayaa isku dayaysa inay dib ula wareegto deegaanno dhawaan ay ciidamada dowladda iyo AMISOM ka qabsadeen oo ku yaalla inta u dhaxaysa Balcad iyo Afgooye kuwaasi oo muhiim uu ah isku socodka dagaalyahanadeeda Koonfurta Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM