Soomaaliya: Dagaal culus oo ka socda duleedka Balcad

Image

BALCAD, Soomaaliya - Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka iyo Al Shabaab ayaa goordhaw ka qarxay duleedka degmada Balcad, ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Wararka aan ka helayno dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu billowday kadib markii xoogag hubaysan oo katirsan Al Shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadeen Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Militariga dowladda.

Dagaalka xoogiisa waxa uu ka socdaa meel lagu magacaabao Faarax Golaleey, halkaasi oo Al Shabaab ku weerartay Gaadiid dagaal iyo ciidamo la socday oo saaka ka baxay Muqdisho, kuna sii jeeday degmada Jowhar ee xarunta gobolkaasi.

Labada dhinac ayaa isku adeegsanaya hubka culus iyo kan fudud, iyadoo dhawaqa rasaasta laga maqlayo deegaano fog oo degmada Balcad kamid tahay. Illaa hadda lama xaqiijin karo khasaaraha iska hor-imaadka socda.

Fahfaahinta kala soco wararka dambe ee Garowe Online.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Raadinaya xilka Mar 3aad xili Dood Ka taagan tahay Dastuurka Soomaaliya

Xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa si isdaba joog ah u carqaladeeyay fadhiyada baarlamaanka labada aqal.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 12:22PM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac xili loolanka Gobolka xoogeystay

In si wadajir ah loo ilaaliyo marin-biyoodka Badda Cas iyo marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 06:29AM