Soomaaliya: Doorasho ka socotay Muqdisho oo la hakiyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudiga Doorashooyinka Madaxa-banaan ee Soomaaliya ayaa maanta hakiyay doorasho ka dhacaysay magaalada Muqdisho, oo lagu dooranayay Kursi ka banaan Gollah Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Hakinta ayaa timid kadib markii buuq iyo gacan ka hadal ka dhaceen goobta doorashada, taasi oo ka dhalatay murmeen dhexmaray Ergada, Kor-joogtada iyo Mas'uuliyiinta ka socotay Gudiga Doorashooyinka.

Xaliima Yareey oo  ah Gudoomiyaha Gudiga Doorashada oo Hoolka Doorashada ka hadashay ayaa ku dhawaaqday in dib loo dhigay doorashada, islamarkaana ay tallaabo ka qaadi doonaan cida ka dambaysay fowdadii maanta dhacday.

Kursigan ka banaan Gollaha Shacabka waxaa ka geeriyooday sanadkii tagey Xildhibaan lagu magacaabo Saciid Xasan Geedi, oo kasoo jeeda Habar-Carfoon (Gadabuursi), oo kamid ah Beelaha dega gobollada Waqooyi ee dalka Soomaaliya [Somaliland].

Buuqa ayaa ka dhashay Khudbad uu jeediynayay mid kamid ah musharaxiinta, kaasi oo dhaliilay sida loo soo xulay ergada doorashada, oo uu sheegay in la musuq-maasuqay.

Labo musharax oo uu kamid yahay Wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Faarax Saciid Xasan iyo Cabdiraxmaan Axmed Ceynaan, ayaa ku tartamayay Kursiga Xildhibaanimada, balse la joojiyay maanta, islamarkaana dib loo dhigay doorashadiisa waqti aan la cayimin.

Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa wali ka banaan Labo Kursi oo mid uu yahay kan maanta doorashdiisa la hakiyay, iyo mid kale oo uu isna ka geeriyooday Bootaan Ciise Caalin, oo deegaan doorashadiisu tahay Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac xili loolanka Gobolka xoogeystay

In si wadajir ah loo ilaaliyo marin-biyoodka Badda Cas iyo marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 06:29AM

Siyaasadda Soomaaliya oo gashay weji cusub oo qalalaase ah

Bayaanka ka soo baxay xildhibaanada ayaa lagu eedeeyay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhowr qodob oo ay ka mid yihiin.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 05:24AM