Soomaaliya: Raggii ka dambeeyay Qaraxii Zoobe oo la xukumay [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa xukuno kala duwan ku riday raggii loo haystay inay ka dambeeyeen qaraxii dadka badani ku dhinteen ee Zoobe.

Xukunkan ayaa yimid muddo kadib markii maxkamaddu ay dhagaysatay dawcadda loo haysto eedaysanayaashan oo qaybtood ka maqnayeen fadhiga dacwad qaadista.

Maxkmadda ayaa eedaysanayaasha qaybtood u celisay xorriyadoodii kadib markii lagu waayay wax dambi ah, halka qaar kale lagu xukumay Dil toogasho ah iyo xabsi daa'in.

Maxkamaddu, waxay sheegtay in Xasan Aadan Isaaq Cali lagu xukumay dil toogasho ah, halka Cabdullaahi Ibraahin Xasan Absuge oo maqan lagu xukumay Xabsi daa’im.

Cabdiwali Axmed Diiriye ayaa isna maxkamaddu ku riday xukun ciqaabtiisu gaarsiisantahay saddex sano oo xabsi ciidan ah.

Waxaa sidoo kale dib loogu celiyay xorriyadooda oo dambi lagu waayay; Muqtaar Maxamuud Xasan Rooble iyo Cabdul Cabdi Warsame Cali.

Xukunkan ayaa yimid ku dhawaad Afar bilood oo dowladda Soomaaliya wax tallaabo ah ka qaadin ciddii ka dambaysay weerarkaas oo noqday kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalka Soomaaliya, waxaana ilaa hadda jirin cid qiratay mas'uuliyadda Qaraxaas oo lagu fuliyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM