Soomaaliya: Gaari shacab oo lagu rasaaseeyay Hiiraan

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Koox hubeysan ay rasaas khasaaro dhalisay ku furey Gaari rakaab ah oo ay saarnaayeen dad Shacab ah oo ku dhex-safrayay gobolka Hiiraan, ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Gaarigan oo ka baxay Muqdisho ayaa waxay rasaaseeyay deegaanka Caloola-Cad oo qiyaastii 7KM, u jira magaalada Beledweyne, waxaana weerarkan uu ka dhashay khasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay Hal ruux oo haweenay ah ayaa ku geeriyootay, iyadoo labo kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka magaalada Beledweyne, sida ay Saraakiisha gobolka Hiiraan xaqiijiyeen.

Kooxda falkan ka dambaysa ayaa la sheegay in ujeedkooda uu ahaa inay dhac u geestaan rakaabka la socday Gaariga, balse markii uu Dawaralka si xowli ah ku dhaafay Isbaarada ay rasaas ku dureen.

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa ku baxay goobta shaqaaqada ay ka dhacday, balse kuma guuleysan inay gacanta kusoo dhigeen burcadda qowlaysatada ah ee rasaasta ku furtay baabuurka.

Inta badan wadooyinka isku xira gobollada Koonfurta Soomaaliya waxaa ka dhaca falalka noocan ah, kuwaasi oo ay geestaan rag ku lebisan dareeska ciidamada dowladda iyo kuwa kale oo burcad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM