Soomaaliya: Hogaanka AMISOM oo isbedel lagu sameeyay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya [AMISOM] ayaa yeeshay hogaan cusub, kadib markii la bedelay Taliyihii hore Jeneraal Cismaan Nuur Subagle.

Munaasabad ka dhacday xarunta AMISOM ee Xalane oo ku taalla Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayay xilalka ku kala wareegeen Taliyiha cusub oo lagu magacaabo Jeneraal Jim Beesigye Owoyesigire iyo midkii hore Jen. Subagle.

Jeneraal Cismaan Nuur Subagle, oo u dhashay dalka Jabuuti ayaa xilka Taliyaha AMISOM soo hayay tan iyo July 2016.

Isagoo ka hadlayay xil-wareejinta, Jeneraal Subagle ayaa ka codsaday ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya inay la shaqeeyaan Taliyaha cusub, islamarkaana si wadajir ah uga wada qeyb-qaataan dagaalka Al Shabaab.

"Waxaan ka codsanayaa saaxiibadeena ciidamada Soomaaliya inay taageeraan Taliyaha cusub ee i bedalay, si lamid ah sidii aad ila soo shaqeyseen mudadii aan xafiiska joogay," ayuu yiri Jeneraal Subagle.

Taliyaha cusub oo kasoo jeeda dalka Uganda ayaa balanqaaday inuu sii wadi doono wadashaqeynta u dhaxaysa AMISOM iyo ciidamada qaranka Soomaaliya, oo dhinaca tababarka iyo awood-dhisida ay ka caawiyaan.

Jenaraal Owesigyile oo mudo 39 sano arrimaha ciidanka kasoo shaqeeyay ayaa shaqooyin kala duwan kasoo qabtay ciidamada difaaca dalka Uganda [UPDF] isagoo soo noqday Taliyaha ciidamada cirka.

Xafladda labada Taliye ayay xilka isagu wareejiyeen waxaa goobjoog ka ahaa Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya, ahna madaxa AMISOM, Francisco Madeira, oo ku amaaney Talihii hore waxqabadkiisa, midka cusubna kusoo dhaweeyay xilka cusub.

AMISOM oo ka kooban 22-kun oo Askari oo ka kala socda Uganda, Burundi, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya ayaa waxay sanadka billaabeen ka bixistooda Soomaaliya, iyagoo mas'uuliyadda amaanka ku wareejinaya ciidamada dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM