Soomaaliya: Howlgal ka bilowday HirShabeelle

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaciyay in howlgal military oo ka dhan ah Al Shabaab uu ka billowday deegaanada maamulkiisa.

Wuxuu sheegay in Howlgalka billowday ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM, iyadoo ujeedka uu yahay in la furo wadooyinka ay go’doomisay Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ah ayaa u dhaqaaday Tuulooyinka ay maamusho Al Shabaab ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ee kooxda ay ka hesho dhaqaalaha ay ku wado dagaalka ay kula jirto HirShabeelle.

Howlgallo waxa uu hadda wajigiisa hore ka billowday Wadada u isku xirto degmooyinka Balcad iyo Jowhar, ee gobolka Shabeellaha hoose, iyadoo dadka deegaanka ay soo dhaweeyeen tallaabadan.

Al-Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay xoojiyay Weerarada ay ka geysanayaan degaanada maamulka Hirshabeelle gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne Waare ayaa tilmaamay in gobolka Hiiraan oo bilihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ay saartay xayiyaarad isku socodka degmooyinka laga billaabi doono dhawaan howlgalka wado-furista ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Mooshin laga gudbiyay wax-kabeddelka Dastuurka iyo xiisad siyaasadeed oo ka taagan Muqdisho

Bishii Maarso 2024, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay xeer wax ka beddel ku sameeyay cutubyo ka tirsan Dastuurka 2012.

  • Soomaliya

    26-01-2026

  • 11:10AM

Dowladda Soomaaliya oo wajahaysa caqabado ka dhashay joojinta gargaarka Mareykanka

Ali Cumar Cali [Ali Balcad] ayaa sheegay in Maraykanku weli leeyahay dano istaraatiiji ah oo ku qasbaya inuu sii joogto Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-01-2026

  • 09:43AM