Soomaaliya: Imaaraadka oo xaqiijiyey inuu wadayo tageerada uu siiyo Ciidamada PMPF

Image

BOOSAASO , Puntland - Sida Illo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Warsidaha Garowe Online, dowlada Imaraadka ayaa Saraakiisha Ciidamada Badda Puntland u xaqiijisey iney sii wadayso howlihii tababarka iyo samafalka ahaa ay ka wadeen degaanada hoos yimaada maamulkaasi. 

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli saaka baraha bulshada (Facebook & Twitter) ay buux dhaafiyeen warar sheegaya in tababaraayaasha dowlada Imaraadka ka jooga maamulka Puntland ka baxayaan.

“Dowlada Imaraadka waxay balan qaadey iney sii wadeyso taageerada ay siiso ciidamada Badda Puntland iyadoo u xaqiijisay dowlada Federaalka, Maamulka Puntland iyo beesha caalamka sida ay uga go’an tahay iney kala shaqeyso dalka Soomaaliya sidii markale cagihiisa isugu taagi lahaa,” Sidaas waxaa GO u sheegey Sarkaal katirsan Ciidamada Badda Puntland oo diidey magaciisa in aan xusno xaalada jirta darteed.

Ciidamada Badda Puntland oo tiro ahaan ku dhow labo Kun [2,000] askari ayaa wadanka Imaraadka Carabta tan iyo intii la aasaasey waxay gacanta ku hayeen tababarkooda, qalabeyntooda iyo mushahaar siintooda.

Askarta PMPF ayaa ku kala sugan saldhigyo ku yaal xeebaha Puntland (Qandala, Bargaal Xaafuun), Buurta Galgala iyo agagaarkeeda. 

Dalka Imaraadka Carabta oo kamid ah wadamadii dalka Soomaaliya u soo gurmadey markii burcad badeedka weerarta marakiibta marta xeebaha Badda Cas iyo Hindiya.

UAE ayaa go’aansatey in Xeebaha Puntland ka dhisto ciidamo kala dagaalama kooxahaan dhinaca dhulka.

Burcad badeedkii ka dilaacdey dalka Soomaaliya ayaa intooda badan waxay  weerarada ugu badan ka gaysan jireen xeebta dheer ee Puntland madaama ay  joqoraafi ku taalo Baddo ku wanaagsan qabsashada Maraakiibta isaga gooshta Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Imaraadka Carabta ayaa wadankiisa ku qabtey shirar caalami ah ee lagaga hadlayo la dagaalanka Burcad badeedka Soomaaliya madaama welwel badan ka qabey in dhibaatadaan ay saameyn balaaran ku yeelato Gadiidkiisa Badda ee isticmaala biyaha ku dhow xeebaha dalkaan dagaalada sokeeye ka socdeen muddo ku dhow 30 sano.

Xiriirka dowlada Imaraadka Carabta iyo Soomaaliya ayaa heerkii ugu hooseeyay gaarey kadib markii Axadii lasoo dhaafay garoonka diyaaraha Muqdisho looga qabtay lacag loogu tala galay in lagu bixiyo Mushaaraadka qeybo katirsan Ciidamada dowladda.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa intooda badan dhaqaalaha ka tageera wadamada saxaiibka la ah sida Mareykanka, Midowga Yurub, Imaaraadka, Turkiga iyo UK.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM