Soomaaliya iyo Kenya oo kawada hadlay muranka Xadka [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa kawada hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xiriirka labada, amniga, ganacsiga iyo dhisamaha derbiga magaalada Balad Xaawo.

Axmed Ciise Cawad wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga dowladda Federaalka oo kula kulmay dhigiisa Kenya magaalada Nairobi ayaa isku afgartay qodobada ay kawada hadleen.

Xiisadda ka taagan Balad Xaawo ee ka dhalatay dhisamaha Derbiga dowladda Kenya ayaa sidoo kale kamid ahaa waxyaabihii ay kawada hadleen labada wasiir.

Monica Juma, Wasiirka arrimaha arrimaha Dibada Kenya ayaa sheegtay in dhawaan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay magacaabi doonaan gudi isku dhaf ah oo wasiiro ka kooban kuwaasi oo ka shaqeyn doono xalinta xiisada ka dhalatay dhisamaha derbiga.

Gudiga ayaa kulankiisa ugu horeeyay ku yeelan doono magacaabistii kadib magaalada Mandheera, oo ku taalla xuduuda Soomaaliya, iyagoo kawada hadli doono muranka xadka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta ayaa bishan gudahooda labo jeer xiriir dhanka Isgaarsiinta ah kaasi oo ay uga wada hadleen arrimaha joojinta dhisamaha derbiga.

Kenya ayaa billowday 2017 dhisamaha derbiga xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya kaasi oo dhirirkiisu gaarayo 700KM si ay uga hortagto weerarada Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM