Soomaaliya iyo Midowga oo shiray kadib cayrinta diblumaasi
MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay Muqdisho, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Francisco Madeira.
Kulankan ayaa la sheegay in looga hadlay arrimaha ammaanka, doorashooyinka dalka ka socda, waajibaadka shaqo ee AMISOM iyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya (STP).
Sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo bayaan soo saartey, STP ayaa ah dhabbaha qura ee lagu gaari karo xasillooni, amni iyo dowlad-dhisidda.
"Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo sida loogu baahan yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu taageerayo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya," ayay wasaaradu raacisay.
Bayaanka ayaa intaas kusii daraya "Iyadoo laga duulayo sare u qaadida heerka diyaargarowga cutubyada ciidamada si ciidamadu ay u noqdaan kuwa dhufays u ah qaranka iyo gaashaan gabbaad ah".
Is-aragan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay dhowaan dalka ka eriday ku xigeenka Madeira kaasoo ay ku eedeysay in uu ku dhaqaaqay talaabooyin liddi ku ah madax-banaanida Soomaaliya.
Xukuumadda ayaa Simon Mulongo oo u dhashay Uganda waxay siisay muddo 7 maalmood ah oo uu kaga baxo dalka. Mucaaradka wuxuu falkan ku sifeeyay "dhaawac loo geystay diblumaasiyada Soomaaliya".
GAROWE ONLINE