Soomaaliya iyo Sacuudiga oo gaaray heshiis ka dhan ah ‘AS’

Image

Riyadh, Sacuudiga - Dalalka Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa gaaray heshis lagu xoojinayo iskaashiga dhanka amniga ee ka dhaxeeya labada dhinac, kadib kulan dhexmaray Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Axmed Doodishe iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Sacuudiga Cabdicasiis Bin Sacuud Bin Naif.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin la dagaalanka Al-Shabaab. Waxaana Wasiirka ku wehliyay booqashada rasmiga ah xubno ka mid ah wafdigiisa.

Kulankan ayaa ka soo baxay xoojinta iskaashiga amni ee ka dhaxeeya labada dal, iyo wadashaqeynta wasaaradaha amniga si la isku dubarido dadaalada lagu wiiqayo awooda kooxaha mayilka adag ee ka dagaalamaya dalka.

Wasiirka ayaa kulnka kadib u kacay magaalada Jeddah, waxaana si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Boqor Cabdicasiis xubno ka mid ah mas’uuliina safaarada iyo Jaaladda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM