Soomaaliya iyo Sacuudiga oo gaaray heshiis ka dhan ah ‘AS’

Image

Riyadh, Sacuudiga - Dalalka Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa gaaray heshis lagu xoojinayo iskaashiga dhanka amniga ee ka dhaxeeya labada dhinac, kadib kulan dhexmaray Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Axmed Doodishe iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Sacuudiga Cabdicasiis Bin Sacuud Bin Naif.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin la dagaalanka Al-Shabaab. Waxaana Wasiirka ku wehliyay booqashada rasmiga ah xubno ka mid ah wafdigiisa.

Kulankan ayaa ka soo baxay xoojinta iskaashiga amni ee ka dhaxeeya labada dal, iyo wadashaqeynta wasaaradaha amniga si la isku dubarido dadaalada lagu wiiqayo awooda kooxaha mayilka adag ee ka dagaalamaya dalka.

Wasiirka ayaa kulnka kadib u kacay magaalada Jeddah, waxaana si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Boqor Cabdicasiis xubno ka mid ah mas’uuliina safaarada iyo Jaaladda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM