Soomaaliya iyo Shiinaha oo iska kaashanaya xakameynta Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa shalay ku qaabilay caasimadda Muqdisho, safiirka Shiinaha ee Qin Jian.

Dhinacyada ayaa la sheegay in ay kawada hadleen xiriirka labo geesoodka ee labada dal iyo horumarka laga sameeyay xakamaynta iyo kahortagga faafidda caabuqa dilaaga ah ee "Corona virus".

Intii lagu guda-jiray kulanka ayaa waxaa la iskula eegay iskaashiga dhinacyada kala duwan leh iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa si loo gaaro danaha wadaagga ah ee shacabka Soomaaliyeed iyo Shiinaha.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda, kulanka ayaa la falanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dunida inteeda kale.

Axmed-kheyr, sidda ku cad bayaanka, ayaa ayaa ka mahadceliyay taageerrada kala duwan ee Shiinaha u fidiyo Soomaaliya iyo hey'adaheeda dowladeed.

Qoraalka ayaa la sheegay in uu si lamid ah bogaadiyay tabarucaadda agabka caafimaad ee hey'adaha Ma Yun iyo Alibaba ugu deeqeen wadamada Afrika si xad loogu yeelo faafidda COVID-19.

Hey'adaha Ma Yun iyo Alibaba ayaa ku deeqay 100,000 maaskaro, 1,000 dharka kahortagga iyo walxo kale oo la gaarsiinayo dowlad kasta oo ka mid ah 54 dowladood ee Afrika.

Intaas waxaa wehlisa, waxaa wadamadaasi loogu tabarucay 20,000 oo xirmooyinka qalabka baaridda-caafimaad ee caabuqani lagu sameeyo.

Agabka ayaa ka kooban 6 milyan oo maaskaro ah, 1.1 milyan oo xirmo baarid-caafimaad, 60,000 isku-joog dharka kahortagga ah , 60,000 oo maaskaro kahortag leh iyo walxo kale.

Deeqdaas ayaa waxaa shalay la gaarsiiyay caasimadda waddanka Itoobiya ee Addis Ababa, iyadoo isla maanta oo ah Isniin [23 Maaj] looga kala daabuli doono agabkaasi wadamada Afrika, sidda la qorsheeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM