Soomaaliya: Jawaari oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxda AMISOM

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa kulan gaar ah maanta Muqdisho kula yeeshay Taliska sare ee AMISOM.

Jawaari oo ay wehliyaan ku xigeenkiisa labaad Mahad Cabdalla Cawad, Gudoomiyaasha gudiyada joogatada iyo Xildhibaanno dhowr ah ayaa Xarunta Xalane kula shiray Ergayda Midowga Africa ahna Madaxa AMISOM Francisco Madeira.

Wararka aan ka helayno illo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Kulanka diiradda lagu saarey arrimo la xiriira xaaladda Baarlamaanka, amaanka xarunta Gollaha Shacabka iyo doorka AMISOM ee sugista amaanka.

Gudoomiye Jawaari ayaa ka codsaday hogaanka AMISOM inay la wareegaan mas'uuliyadda amaanka xarunta Gollaha Shacabka xilli la filaya in la guda galo codeynta Mooshinka isaga ka dhanka ah.

Madaxa AMISOM Francisco Madeira ayaa u balan qaadey Jawaari inay gudan doonaan waajibkooda ku aadan sugista amaankiisa iyo xarunta Gollaha Shacabka oo dhawaan la geeyay Ciidamo aan ahayn kuwii horey loogu ogaa.

Xiisadda Siyaasadeed ee ka dhex taagan Xildhibaanada Mooshinka wada ee ku xiran Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha iyo kuwa difaacaya Jawaari ayaa mashquulisay Xukuumadda iyo Hay'adahihii kale ee dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM