Soomaaliya: Jeneraal ciidan oo lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Jeneraal katirsanaa ciidamada badda Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Saciid Aadan Yuusuf ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho.

Allah ha u naxariistee Jeneraal Saciid waxaa toogtay ku xigeenkiisa, kadib markii uu soo kala dhex-galay muran aan la shaacin waxa uu salka ku haya.

Goobjooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in ninka dilka geestay oo ahaa Korneel ciidamada Badda kamid ah uu Bastooladiisa u adeegsaday dilka Jeneraal Saciid oo ka dhacay Dekedda Muqdisho.

"Jeneraalka waxaa qaarijiyay ku xigeenkiisa xilli uu ku sugnaa Dekedda Muqdisho, gacan ku dhiiglaha gacanta ayaa lagu dhigay. Waa dhacdo nasiib darro ah, oo lama filaan nagu noqotay," ayuu yiri Axmed Cali, oo kamid ah ciidamada Badda.

Wuxuu xusay in dhowr xabadood uu Korneelka ku riday Jeneraalka, kuwaasi oo qaarkooda madaxa uga dhacay, waxaana uu ku geeriyooday isla goobta gudaha Dekedda Muqdisho.

Waxaa socdo baaritaan ku saabsan sababta ka dambaysa dilka Jeneraalka. Warar ayaa sheegaya in labada Taliye ay ku murmeen lacago canshuur ah.

"Wax yar kahor inta aan la dilin ayaan wada sheekaysanay, markuu iga tagay waxaan maqlay daqiiqado kadib rasaas, kadibna waxaana tagey goobta waan naxay, oo aan ku arkay Jeneraalka oo dhulka jiifa oo dhiig-baxaya, wax yar kadibna waa uu geeriyooday kahor inta aan la gaarsiin Isbitaalka," ayuu yiri Axmed Cali.

Wasaaradda difaacca Xukuumadda Federaalka wali kama aysan hadlin falkan dilka ah, oo imaanaya xilli ciidamada xoogga dalka ay dagaal kula jiraan Al-Shabaab mudo sanado ah.

Kooxdan xiriirka la leh Al Qaacidda ayaa laga saarey inta badan deegaanadii ay ka talin jirtay ee Koonfurta iyo Bartamaha, balse waxay wali awood u leedahay inay weerar ka fuliso Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM