Soomaaliya: Laba diyaaradood oo Rakaab siday oo markale ku sigtay inay isku dhacaan

Image
Isqabqabsigan ayaa halis gelin kara kalsoonida lagu qabo in Soomaaliya ay maamusho hawadeeda.

Hargaysa, Soomaaliya - Hay’adda Duulista Hawada Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in laba diyaaradood oo ay leeyihiin Imaaraadka iyo Itoobiya ay ku dhawaadeen inay isku dhacaan habeennimadii Axaddii.

Hay’adda ayaa ku eedaysay kontaroolka Muqdisho in ay xalay xog khaldan siiyeen diyaaradaha Emirate Airways iyo Ethiopian Airlines, kuwaas oo ku sigtay inay isku dhacaan.

Hadii ay rumoodow sheegashada hay’adaha Somaliland tan ayaa noqonaysa markii 2-aad oo ay laba diyaaradood oo ku duulaya hawada Soomaaliya ay ku sigtaan inay isku dhacaan, ka dib xog khaldan oo laga siiyay dhanka kontaroolka Muqdisho.

Dhanka kale, warar ayaa sheegaya in muranka hawadu ay sabab u tahay talaabooyin ay Somaliland qaaday; taaso ka mid ah inay shiday qalabka VHL oo lagala xiriiri karo dhamaan diyaaradaha adeegsanaya Hawada dalka.

Qalbkan oo markii hore yaalay Hargeysa iyo Muqidsho ayaa kaliya laga isticmaali jiray Muqdisho, balse hadda waxaa la warinaya in kontaroolka Hargeysa ay bilaabeen inay awaamir ka siyaan diyaaradaha.

Si kastaba ha ahaatee, dawladda Soomaaliya ayaan weli ka jawaabin eedaymaha ka soo yeedhay Hay’dda Duulista ee Somaliland, iyada oo isqabqabsigan uu halis gelin karo kalsoonida lagu qabo in Soomaaliya ay maamusho hawadeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM