Soomaaliya: Ma aqbali doono caga-jiidka howlgalka AMISOM

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Dood adag ayaa ku gadamaan masiirla howlgalkan qaybta ka ah dedaalada caalamiga ah ee nabadeynta Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa shalay oo Talaado ahayd qaabilay xubnaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika oo ku soo gaaray Muqdisho shalay oo Isniin ahayd booqasho shaqo oo seddex cisho qaadanaysa.

Maxamuud ayaa kala hadlay waajibaadka shaqo ee AMISOM oo ku dhow inuu idlaado 31 December, 2021 , sida ku cad go'aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2568.

Wasiirka iyo xubnaha golaha oo ka kooban 15 xubnood oo uu hoggaaminayay Danjire Mohammed Omar Gad oo ka socda dalka Masar ayaa isweydaarsaday aragtiyo ku aaddan caqabadaha amniga iyo nabadda iyo heerka ay gaadhsiisan tahay u diyaargarowga ciidamada qaranku u leeyihiin in ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.

Hadal uu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ka jeediyay kulanka, ayuu ku sheegay in qorshaha kala guurka ee Soomaaliya aanu caddeynin oo qura sida la doonayo in amniga lagu sugo balse uu si cad u qeexayo howlgalka AMISOM ee diiradda saaraya oo kaliya amniga iyo howlgal cusub oo Midowga Afrika oo awood u leh inuu Soomaaliya ku taageero siyaasadda cusub, maamulka, arrimaha bulshada iyo amniga.

Waxa uu Wasiirku sii raaciyay hadalkiisa: "Qaranka Soomaaliyeed ma aqbali doono caga- jiid, been abuur iyo dib u dhac caqabad ku ah hirgelinta amni lagu guuleysto”.

Diblumaasiga sarre ayaa intaas ku daray "Xaqiiqadu waxa ay tahay in aanu jirin wax la kala dooran karo oo la heli karo haddii aysan oggolaansho ka heysan dalka martida loo yahay".

"Qorshaha kala guurka waxa uu ahaanayaa mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya , kaliya ma ahan maamulkan , xitaa waa maamulka mustaqbalku dalku yeelan doon," ayuu xusay.

Wuxuu kusoo xiray: "Ummadda Soomaaliyeed waxa ay ka mideysan tahay sidii ay u xaqiijin lahayd mas’uuliyadda amnigeeda, iyad aan loo eegin siyaasadda doorashada iyo wax kaleba, tani waxay ahaanaysaa mid joogto ah”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo Wadahadal la Yeeshay Amiirka Qatar

Xiriirka Soomaaliya iyo Qatar ayaa ahaa mid dhow oo xooggan xilligii madaxweynanimada Farmaajo.

  • Soomaliya

    10-02-2025

  • 04:43PM

Dowladda Soomaaliya oo Si Adag U Cambaareysay Hadalka Netanyahu

Cambaareyntan waxay la jaanqaadaysaa jawaabta Sacuudiga, kaasoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ay ku eedeysay Netanyahu.

  • Soomaliya

    10-02-2025

  • 09:28AM