Soomaaliya: Madaafiic culus oo lagu garaacay Baledweyne

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Madaafiic culus ayaa maanta lagu garaacay magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan, sida ay sheegeen dadka deegaan.

Wararka aan ka helayno dadka deegaanka ayaa sheegaya in tiro madaafiic ah ay ku dhaceen galbeed magaalada, kuwaasi oo qaarkood ku dhacay saldhigga ciidamada Jabuuti halkaasi ku leeyihiin.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda duqeynta hoobiyaasha, oo ka dhashay khasaarooyin kala duwan, inkastoo aan tirada dhimasha iyo dhaawaca ah aan la ogeyn.

Dadka ku nool xaafada Howlwadaag ee galbeedka Beledweyne ayaa sheegay in ay soo wajahday cabsi xooggan, kadib weerarka madaafiicda, oo ku dhacay meel shacab ay degan yihiin.

Saraakiisha maamulka degmada ayaa sheegay in Deegaan ku yaalla duleedka Beledweyne ay Al Shabaab kasoo tuureen hoobiyaasha ka dhacay magaalada.

Al Shabaab ayaa ka talisa deegaanada ku dhaw Beledweyne, iyo kuwa kale ee degmooyinka gobolka Hiiraan oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa ka socda dalka Jabuuti, ee qeybta ka ah AMISOM.

Ciidamada dowladda ayaa maalmo kahor ku dilay inta u dhaxay Beledweyne iyo Maxaas 11 xubnood oo kamid ahaa Al Shabaab, kuwaasi oo weerar gaadmo ah ku qaaday Kolonyo uu la socday Gudoomiyaha gobolka. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM