Soomaaliya: Madaxweyne Waare oo la caleema-saarayo

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Waxaa maanta lagu caleema-saarayaa magaalada Jowhar Madaxweynaha cusub, ee maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare, oo la doortay 16-kii September ee lasoo dhaafay.

Xafladda caleema-saarka waxaa ka qeybgalaya madaxweyniyaasha maamul goboleedyada, Wafdi ka socdo Labada Golle, ee dowladda Federaalka, oo uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Madaxweyniyaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, oo ku midoobay "Gollaha Iskaashiga" oo Kismaayo lagu unkay bishan horaanteeda, ayaa ka qeybgalaya Xafladda.

Qaar kamid ah diblomaasiyiinta beesha caalamka u fadhida Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu casuumay munaasabadda caleema-saarka Madaxweyne Waare.

Amniga Jowhar ayaa la adkeeyay, iyadoo wadooyinka lagu daadiyay ciidamada dowladda Federaalka, iyo kuwa AMISOM, waxaana la hakiyay dhaq-dhaqaaqa dadweynaha goobaha ku dhaw Madaxtooyada.

Waare oo ah Madaxweynihii labaad ee uu yeesha maamulka HirShabeelle tan iyo aas-aaskiisa sanadkii tagey dhamaadkiisa, ayaa waxaa laga sugayaa inuu mudo bil ah kusoo magacaabo Gollahiisa wasiiradda.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM