Soomaaliya: RW Khayre oo ku wajahan Jowhar

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa la filayaa in uu maanta ka qayb galo munaasabada Caleemo saarka loo sameynayo Madaxweynaha maamulka HirShabeele Maxamad Cabdi Waare.

Xafladaan oo ka dhici doonta magalaada Jowhar ayaa waxaa ka qayb galaya madaxda maamulada Soomalida (Puntland, Galmudug, Jubaland iyo Koonfur Galbeed) iyadoo ku soo beegmeysa xilli uu wanaagsaneyn xiriirka u dhexeeya Dowlada dhexe iyo dowlada xubnaha ka ah nidaamka Federaalka ah.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa isagu safar dalka dibadiisa ugu maqan isagoo booqasho ku maraya dalalka ciidmadu ka joogaan Soomaaliya.

Mudane Farmaajo ayaa isagu ka qayb galay munaasabadii caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug taasoo ka dhacdey magalaada Cadaado.

Waa markii ugu horeysay ay kulmaan madaxweynayaasha maamulada iyo Khayre tan iyo intii uu soo shaac baxey khilaafka u dhexeeya Dowlada dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlad Federaalka ah.

GAROWE ONLINE kala soco waraka la xiriira munasabdaan anagoo isku dayeyna in wariyaheena ku sugan Jowhar nala socodsiiyo sida ay u dhaceyso iyo khudbadaha laga jeediyo halkaas.

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM