Soomaaliya: RW Khayre oo ku wajahan Jowhar

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa la filayaa in uu maanta ka qayb galo munaasabada Caleemo saarka loo sameynayo Madaxweynaha maamulka HirShabeele Maxamad Cabdi Waare.

Xafladaan oo ka dhici doonta magalaada Jowhar ayaa waxaa ka qayb galaya madaxda maamulada Soomalida (Puntland, Galmudug, Jubaland iyo Koonfur Galbeed) iyadoo ku soo beegmeysa xilli uu wanaagsaneyn xiriirka u dhexeeya Dowlada dhexe iyo dowlada xubnaha ka ah nidaamka Federaalka ah.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa isagu safar dalka dibadiisa ugu maqan isagoo booqasho ku maraya dalalka ciidmadu ka joogaan Soomaaliya.

Mudane Farmaajo ayaa isagu ka qayb galay munaasabadii caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug taasoo ka dhacdey magalaada Cadaado.

Waa markii ugu horeysay ay kulmaan madaxweynayaasha maamulada iyo Khayre tan iyo intii uu soo shaac baxey khilaafka u dhexeeya Dowlada dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlad Federaalka ah.

GAROWE ONLINE kala soco waraka la xiriira munasabdaan anagoo isku dayeyna in wariyaheena ku sugan Jowhar nala socodsiiyo sida ay u dhaceyso iyo khudbadaha laga jeediyo halkaas.

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM