Soomaaliya: Markab la qafaashay oo laga dalbaday $5 milyan madax furasho ah

Image
Shufta-badeeda Soomaalida ah ee qafaalatay markabkan ayaa ku goodiyay in ay dilayaan shaqaalaha haddii aan la bixin lacagtan.

MUQDISHO, Soomaaliya — Burcad-badeeddii Soomaalida ahayd ee afduubatay markabka Abdullah ee laga leeyahay dalka Bangladesh ayaa dalbatay $5 milyan oo madax furasho “haddii kale ay dilayaan dhamaan shaqaalaha”.

Warkan oo aan si rasmi ah loo xaqiijin waxaa baahiyeen xubno ka tirsan qoyska shaqaalaha oo la xiriiray eheladooda, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Markabka ayaa xeebaha Soomaaliya soo gaaray subaxnimada Khamiista maanta ah. Warbixinada ayaa intaas ku daraya in la rumeysan yahay in 22 dabley burcad-badeed Soomaali ah ay saaran yihiin markabka ayna haystaan ​​"hub culus iyo rasaas."

Markabka ayaa ka soo ambabaxay dalka Mozambique, waxaana uu sido 58,000 oo tan oo dhuxul ah oo ku socday dalka Imaaraadka. Weerarada shufta-badeeda ayaa kordhay saddexdii bilood lasoo dhaafay.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen iyo burcad-badeeda Soomaalida ah ayaa la aaminsan yahay in ay iska war haayaan ayna weeraradan u geysanayaan si ay ugu aargudaan Falastiiyiinta ay Yahuuda ku xasuuqeyso dalkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM