Soomaaliya: Maxaa ka cusub dagaalka dowladda kula jirto AS?

Image

MUQDISHO, Somalia - Ilaa 107 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya intii u dhaxeysay bilihii July iyo August, sida ay sheegtay xarunta la dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya.

Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ah Agaasimaha Xarunta Qaranka ee ka hortagga iyo la dagaallanka xagjirnimada TUBSAN ayaa sheegay in maleeshiyada ay iska soo dhiibeen afar dowlad goboleed oo kala ah Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

“Dadka isa soo dhiibay waxaa ku jira caruur yar yar oo la xagjireeyay, dhalinyaro, haween iyo taliye kooxeed waxaana loo fidin doonaa cafis kadibna waxaa loo qaadi doonaa dhaqan celin” ayuu yiri agaasimaha oo la hadlay saxaafada magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Waxa uu ku booriyay dagaalyahanada kooxda doonaya inay ka faa’iideystaan ​​cafiska dowladda ay u fidisay inay ku daydaan, isagoo sheegay inay soo dhaweynayaan inay ka soo goostaan ​​kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

“Laba arrimood ayaa sabab u ah in tirada Al-Shabaab ee isku soo dhiiba dowladda ay kororto, waa tan koowaade waa culeyska ka imaanaya howlgallada guracan ee dalka ka socda iyo midda labaad oo ah in cafiskii Madaxweynaha ay ka faa’ideysanayaan. ayuu yiri.

Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa xili uu sii xoogeystay dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowlada Soomaaliya iyo dagaalyahanada kooxdaasi oo ka dhacay dhowr jiho oo u badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM