Soomaaliya: Maxaa kusoo kordhay abaabulka dagaalka Xasan Sheekh kawado Galmudug?

Image

DHUUSAMAREEB - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku amray ciidamada uu Turkigu tababaray ee loo yaqaan Gorgorka inay si wanaagsan uga qayb qaataan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo intaa ku daray “Shaki iigama jiro inay muhiim noo tihiin”.

Ciidamada Gorgor ayaa waxaa tababaray Turkiga, waxaana maalmihii u dambeeyay ay ka qeyb qaadanayeen howlgalo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab, gaar ahaan gobolada dhexe oo ay ciidamadu ka sameeyeen howlgalo gaar ah.

Madaxweyne Xasan oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa Arbacadii shalay sheegay in ciidamada Gorgor, si la mid ah kuwa kale ee dalka oo dhan ay yihiin kuwo wadaniyad ku dheehan tahay, islamarkaana si dhab ah ula dagaalamaya Al-Shabaab.

Askarta Gorgor, ayuu sheegay in ay ku sugnaayeen Jiidda hore,iyaga iyo kuwa Danab ee uu Maraykanku tababaray, waxayna u xilsaaran yihiin hawlgallada gaarka ah. Wuxuu intaasi ku daray inay xaqiijin doonnaan Ciidanka in Hirshabelle iyo Galmudug si buuxda looga xoreeyo Al-shabaab, ka hor inta uusan billaabin wejiga labaad ee howlgallada.

Waxa uu la hadlay Taliyayaasha Gorgor, isagoo yiri “Waxaad ku jirtaan dagaal waafaqsan shareecada Islaamka, Allaahna wuu idinka abaal-marin doonaa, waxaad naftiina u hureysaan sidii uu dalkeennu u heli lahaa sharafta iyo karaamada ay ummadaha kale ku naaloonayaan, dowlad iyo dowladba Shacabka Soomaaliyeed waa idin garab taagan yihiin”.

Marka la gaaro sanadka soo socda ee December, waxaa la filayaa in ciidamada qaranka Soomaaliyeed si buuxda mas’uuliyadda amniga ugala wareegaan kuwa Midowga Afrika ee [ATMIS]. Ciidamada ATMIS ayaa si tartiib tartiib ah uga baxaya Soomaaliya, iyadoo 2,000 baxeen June 2023.

Si kastaba ha ahaatee, dad badan ayaa doonaya in askarta ATMIS ay sii joogaan wax yar, iyaga oo sabab uga dhigaya inay kordhiyeen weerarada aargoosiga ah ee Al-Shabaab ee ka dhacaya furumaha hore. Tusaale ahaan, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu qasbay in ay isaga baxaan dhowr magaalo oo istiraatijiyad ah, sida Ceelbuur ka dib markii weerarkii Cawsweyne.

Soomaaliya waxay filaysaa in dalalka deriska ah, Itoobiya, Eritera iyo Uganda ay gacan ka siiyaan wajiga 2aad ee howlgalka. Wali ma muuqato dal Ciidan soo diri raba inuu jiro, maadaama mudo la sugayay, waxna imaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ahmed Madobe oo Nairobi kawada kulamada safiirada Beesha Caalamka

Safarka Axmed Madoobe ee Kenya ayaa ka caraysiiyay dowladda Soomaaliya, maadaama xanibaadii socdaalka socon waysay.

  • Soomaliya

    20-01-2025

  • 05:05PM

Farmaajo: Wadajirkii iyo midnimadii Soomaaliya ayaa halis gashay

War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in wax ka baddal Dastuurka iyo qabashada doorasho aan Puntland, Jubaland.

  • Soomaliya

    20-01-2025

  • 03:03PM