Soomaaliya: Maxaa sababay booqshada madaxweynaha ee degmada Maxaas?

Image

MAXAAS, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, oo ka mid ah Magaalooyinka ugu waaweyn ee laga abaabulay dagaalada ka dhanka ah Ururka AS.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in marka laga soo tago qeybaha kala duwan ee bulshada uu kulamo la qaato taliyeyaasha ciidamada iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo uu kala hadli doono arrimo ku saabsan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada deegaanka ah ee ku sugan Hiiraan ay ka qeyb qaadan doonaan howlgallada ka socda bariga gobolka Galgaduud. Taasi waxay ka dhigaysaa in dhamaan maamulka Galmudug uu ka xoroobo kooxda AS.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u ballan qaaday inuu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah AS inta laga saarayo guud ahaan dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM