Soomaaliya: Maxkamad go'aan kasoo saartey Kiiska CC Shakuur

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa go'aan ka gaartey Kiiska Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishkuur.

Maxkamadda oo maanta u farìistay Dacwada lagu soo oogaya CC Shakuur ayaa soo saartay go'aano ay kamid yihiin in Siyaasigan uusan dalka ka bixi karin, iyadoo laashay qaraarkii hore ee Maxkamadda gobolka Banaadir.

Waxa kaloo loo fasaxay Xafiiska Xeer Ilaalinta inui sii wato baaritaanka lagu hayo eedaymaha CC Shakuur oo ay ku jiraan inuu maleegayay Mooshin lagu ridayo Madaxweyne Farmaajo iyo Qalqal gelin Siyaasaadeed inuu ka waday Muqdisho.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cai Daahir oo isagu racfaanka geeyay Maxkamadda ayaa loo madax-baneeyay inuu sii wadato baaritaannada uu ku hayo Cabdiraxmaan Cabdishkuur.

Go'aanka Maxkamada ayaa soo baxay iyadoo xalay uu CC Shakuur sheegay in Kiiskiisa la siyaasadeed oo Villa Soonaaliya ay ka dambeyso in dib loo soo nooleeyo iyadoo horey ay Maxkamad go'aan uga gaartey.

Ma jirin qareeno CC Shakuur u matalay Dhageysiga Dacwadiisa, kadib markii uu kalsoonida kala laabtey wakiiladiisa horey u difaacayay.

Dhanka kale, Maxkamadda ayaa ganaax lacageed iyo ciqaab dhul-dhigtay qareenno katirsan Maxkamadda gobolka Banaadir, iyadoo aan la sheegin sababta.

Cabdiraxmaan Cabdishkuur wali kama uusan hadlin go'aanka Maxakamadda Racfaanka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM