Soomaaliya: Muxuu Xamsa kala hadlay Safiirka Qatar?

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Dr Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, kaabayaasha dhaqaala iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah.

Dhinaciisa, Danjire Abdullah, ayaa xusay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Qatar ayaa kamid ah dalalka Khaliijka ee saameynya siyaadeed ku leh Soomaaliya, waxaana loolan kula jirtaa Imaaraadka, oo hadda aad ugu dhaw dowladda Xasan Sheekh.

Waxay labadan dal galaangal ku yeesheen doorashooyinkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, iyagoo ku tartamaya inay soo saartaan Madaxweyne daacad u ah, oo si dhaw ula shaqeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM

Mungaab: Musuqmaasuq baahsan ayaa curyaamiyay Maamulka Gobolka Banaadir

Arrintan ayaa dhalisay baaqyo ku aaddan in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka shaqaalaha dowladda hoose.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 06:39AM