Soomaaliya oo diidday dhexdhexaadinta dalalka gobolka ee khilaafka Itoobiya

Image
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay ogolayn wada-hadal.

Muqdisho, Soomaaliya - Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, ahna ku simaha Wasiirka arrimaha dibedda Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa markale si adag uga hadlay damaca Itoobiya ee ku aadan Badda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in damacaasi uu la mid yahay dowladda Masar oo heshiis ku saabsan biyaha webiga Nile la geshay gobolka Amxaarada, isaga oo sheegay in aanay jirin Cid ku taageertay Itoobiya gardarrada ay waddo.

Wasiirka oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto tallaabada ay Itoobiya qaaddo mid u dhiganta.

Wuxuu sidoo kale sheegay in mowqifka Itoobiya oo ka soo dabacday halkii horee, wuxuuna intaasi ku daray in ay Soomaaliya u soo dirtay ergo caalami ah iyo mid gobolka ah si heshiis looga gaaro arrinta badda.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay ogolayn wada-hadal ilaa ay dawladda Itoobiya ka baxayso heshiis beenaadkii ee ay la gashay dawladda Somaliland.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM