Soomaaliya oo dirtay safiirkeedi ugu horreeyay ee Eritrea

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa markii ugu horeeyay safiir u dirtay dalka Eritrea, ka dib markii Madaxweynaha Dalkaas Isaias Afwerki uu guddoonsiiyay Danjire Cumar Idiris warqadaha aqoonsiga.

Danjire Cumar Idiris oo horay u soo noqday safiirka Soomaaliya ee Qatar, ayaa boggiisa Twitter-ka ku muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay mar uu warqadihiisa aqoonsiga ka guddoomay Madaxweyne Afwerki.

Tallaabadan ayaa loo arkaa inay kor u qaadayso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhaxeeyo labada dal.

Danjire Idiris ayaa sidaan ku noqonaya safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u jooga Eritrea, labada dal ayaa sandahan dambe dhexmaray iskaashi dhanka amniga ah, iyadoo kumanaan ka tirsan ciidamada Soomaaliya ay tababar ku soo qaateen Eritrea.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM