Soomaaliya oo gudoontey agab muhiim u ah la tacaalida Coronavirus

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ee Muqdisho ayaa waxaa laga soo dejiyey agab caafimaad oo muhiim u ah la dagaalanka caabuqa dilaaga ah ee Coronavirus.

Agabkaas oo qeyb ka ah deeq uu Afrika ugu tabarucay bilyineerka reer China ee Jack Ma ayaa ka kooban; qalabka baaritaanka cudurka, dareeska ay xirtaan dhakhaatiirta, maasgarada iyo qalab kale.

Shirkadda Duulimaadka Ethiopian Airlines ayaa Muqdisho keentay 20 xirmo oo kamid ah deeqda oo xukuumadda Addis Ababa loo xilsaarey in ay u qeybisay guud ahaan wadamada qaaradda.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa bartiisa Twitter-ka ugu mahadceliyey ganacsade Jack iyo dhigiisa Abiy Axmed, oo uu ku bogaadiyey in uu "waqtiga ku haboon kusoo hagaajiyey".

Jack Ma ayaa ah aas-aasaha shirkadda Alibaba oo caan ka ah Afrika isla markaana sameysay maalgashi u badan dhinaca ganacsiga.

Soomaaliya, oo xaqiijisay hal kiis oo xanuunkaas ah, ayaanan horey u haysan qalabka lagu baaro caabuqa, taas oo sababtay in kiisaska qaar dibada lagu soo baaro.

Talyaaniga ayaa mar sii horeysay balanqaadey aduun lacageed dhan 215 milyan oo Doolar, lacagtaas oo uu shaaciyey in ay ugu talagalay in lagu soo iibiyo sheybaarka rasmi ahaan lagu ogaado COVID—19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM