Soomaaliya oo heshiis cusub la gashay Uganda [Yaa saxiixay?]

Image
Image

KAMPALA, Uganda - Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo booqasho ku jooga Uganda, gaara ahaan Magaalada caasimadda ah ee Kampala ayaa wuxuu halkaas kula kulmay dhigiisa Uganda Sam Kutesa.

Labadda mas'uul ayaa inta uu socday kulankooda waxaa diiradda lagu saaray arrimaha dhaqaalaha iyo amaanka, kuwaasoo Wasiiradda ay carabka ku adkeeyeen muhiimada ay ay leedahay inay kawada shaqeeyeen.

Intaas waxaa dheer in mas'uuliyiintaan ay isla soo qaadeen xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka Geeska Afrika, guud ahaan Qaaradda iyo waliba caalamka intiisa kale, sida lagu sheegay War-saxaafadeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Wasiiradda ay kala saxiixdeen heshiisyo is-fahan ah oo ku saabsan arrimaha; horumarinta dhaqaalaha, Ganacsiga iyo maal-gashi wadajir ah.

"Labadda mas'uul waxay ku adkeeyeen carabka in muhiim tahay in qodobadaan la dhaqan-geliyo, oo laga dhigo kuwa wax ku ool ah," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya.

Wasiir Cawad ayaa wuxuu uga mahad-celiyay Shacabka iyo dowladda Uganda, dadaaladda ay ku bixinayaan soo celinta xasiloonida Soomaaliya, oo ku aadan dhanka amaanka iyo nabadda.

Uganda ayaa door muuqata ku leh Howgalka Nabad illaalinta Soomaaliya ee AMISOM, waxaana ciidamo ay ka joogaan Magaalada Muqdisho, iyo waliba gobolka Beeraha caanka ku ah ee Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM