Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka horumarinta Teknoloojiyadda

Image
Ujeeddada shirka ayaa ahayd xaqiijinta kaalinta Teknoloojiyadda ku leedahay kobaca iyo horumarinta dhaqaalaha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka qayb-galay shirweynaha Caalamiga ah ee “Connected Africa” kaas oo lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ujeeddada shirka ayaa ahayd xaqiijinta kaalinta Teknoloojiyadda ku leedahay kobaca iyo horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan dalalka Afrika.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka mid ahaa madaxdii madasha ka hadlay ayaa soo bandhigay istiraatijiyadda Dowalada Federalka Soomaaliya ee lagu dardargelinayo horumarinta ICT iyo guud ahaan Teknoloojiyadda.

Safiir Jabriil ayaa soo hadal qaaday qaab-dhismeedka siyaasadda-sharciga ee lagu horumarinayo Teknoloojiyadda, gaarsiinta aaladaha Internetka qofkastaa oo Soomaali ah, ilaalinta xogta iyo sirta Qaranka.

Sidoo kale waxaa uu diiradda saaray adeegyada ganacsiga iyo horumarinta Waxbarashada sida e-commerce iyo e-education.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM