Soomaaliya oo ka qeybgashay shirweynaha arimaha horumarka ICT-da

Image
Ujeedka shirkan ayaa ah dejinta qaab-dhismeedka iskaashiga dhijitaalka ah ee caalamiga ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan Maxamed Aadan Cali (Soomaali) iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa ka qeybgalay Madasha (WSIS) World Summit for Information Society 2024 oo lagu qabtay sanadkaan Magaalada Geneva ee wadanka Switzerland.

Madashan waa Shirweynaha ugu weyn ee looga hadlo Arimaha Horumarka ICT-da, Waxaana lagu soo qaadanayaa guulaha la gaaray 20 sano guurada ka soo wareegtay xilligii la bilaabay Shirweynihii Adduunka ee Bulshada Warfaafinta oo lagu kala qabtay 2003-dii Caasimadda Geneva iyo Tunisiya 2005-tii.

Ujeedkiisa waxa uu ahaa qaab-dhismeedka iskaashiga dhijitaalka ah ee caalamiga ah iyadoo leh himilo lagu dhisayo aqoonta Bulshada, waxaana sidoo kale la eegidoonaa sida Teknoolojiyada dhijitaalka ah ay u taageeri karto horumarka mustaqbalka.

Wasiir Soomaali oo ka qeybgalay Dood wadaag loo qabtay Wasiirada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee ka qeybgalay Madasha WSIS 2024 ayaa la wadaagay heerka Horumarka Teknolojiyada dalkeena.

Soomaaliya waxa ay u diyaarsantahay in ay ka faa'iideysato Isticmaalka Teknoolojiyada Dhijitaalka si loo helo horumar waara sida ku cad Siyaasadaha iyo Shuruucda ICT- ga Qaranka,  waxaa la dhisay Hey'adda Dhowrista Xogta Qaranka, waxaa meel fiican marayaa dhismaha Xarunta Xogta Qaranka iyo Horumarinta Amniga Saybarka,  xoojinta xarkaha Khadadka Internet  si kor looga qaado kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM