Soomaaliya oo ku baraarugtay damca Itoobiya ee Badda Cas

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa diiday codsi uga yimid Itoobiya oo ku aadanaa in ay wada hadal la gasho, si ay deked uga hesho Badda CasItoobiya , sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Bloomberg.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa laga soo xigtay in dalkiisa uu xaq dabiici ah u leeyahay in uu si toos ah uga faa’iideysto badda cas, haddii taas la diidona waxauu yiri:

“Ma jiri doonto cadaalada, haddii cadaalad iyo la waayana, waa arrin waqti u baahan in dagaal ku dhawaaqno .”

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale soo jeediyay in dawladiisu ay saami ka siin karto dalalka deriska biyo xidheenkeeda Renaissance ee Itoobiya si ay saamiyo la mid ah uga hesho dekedaha ay leeyihiin.

Docda kale, Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda DFS Cali Cumar ayaa sheegay in iyadoo dalka ay ka go’an tahay horumarinta nabadda, amniga, ganacsiga iyo isdhexgalka, haddana ma danaynayo in ay bixiso hanti istaraatiiji ah sida deked.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM