Soomaaliya oo ku baraarugtay damca Itoobiya ee Badda Cas

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa diiday codsi uga yimid Itoobiya oo ku aadanaa in ay wada hadal la gasho, si ay deked uga hesho Badda CasItoobiya , sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Bloomberg.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa laga soo xigtay in dalkiisa uu xaq dabiici ah u leeyahay in uu si toos ah uga faa’iideysto badda cas, haddii taas la diidona waxauu yiri:

“Ma jiri doonto cadaalada, haddii cadaalad iyo la waayana, waa arrin waqti u baahan in dagaal ku dhawaaqno .”

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale soo jeediyay in dawladiisu ay saami ka siin karto dalalka deriska biyo xidheenkeeda Renaissance ee Itoobiya si ay saamiyo la mid ah uga hesho dekedaha ay leeyihiin.

Docda kale, Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda DFS Cali Cumar ayaa sheegay in iyadoo dalka ay ka go’an tahay horumarinta nabadda, amniga, ganacsiga iyo isdhexgalka, haddana ma danaynayo in ay bixiso hanti istaraatiiji ah sida deked.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM