Soomaaliya oo la filayo in maanta laga qaado cunaqabateynta hubka 32 sano kadib!

Image
15-ka xubnood ee golahan ayaa laga sugayaa in ay u codeyaan qaraarkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta u codeynaya in la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka, in ka badan 30 sano kaddib cunaqabateynta hubka ee dalka lagu soo rogay.

15-ka xubnood ee golahan ayaa laga sugayaa maanta oo Jimce ah in ay ansixiyaan labo qaraar oo ay soo diyaarisay dowladda Ingiriiska oo kala ah in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka iyo in cunaqabateyn lagu soo rogo kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo dheer codsatay in laga qaado cunaqabateynta hubka si ay u xoojiso ciidamadeeda dagaalka kula jira ‘AS’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadkii hore sheegay in bilowga bisha December Soomaaliya laga qaadi doono cunaqabateynta hubka, xilli uu la hadlayay labada gole ee Baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM