Soomaaliya oo laga helay 65 kiisas cusub oo ah safmarka Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 65 kiisas cusub oo ah Coronavirus.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa xaqiijisay in hal qof uu sidoo kale waddanka ugu dhintay, saacadihii aynu kasoo gudubnay.

Wasiiradda oo wariyeyaasha kula hadashay magaaladda Muqdisho ayaa si lamid ah intaas ku dartay in ay cudurka ka bogsadeen shan bukaan.

Wadarta xaaladaha la xiriira xanuunka dilaaga ah ee laga helay guud ahaan waddanka ayaa sii mareysa 1,284 [Kun, laba boqol iyo sideetan iyo afar].

Bukaanadda cusub ee maanta la shaaciyey kuwaas oo 41 kamid ah ay rag yihiin, 24-na dumar ayaa kala jooga; Koonfur Galbeed 24, Somaliland 14, Banaadir 13, Puntland 13 iyo Jubbaland oo hal xaaladood ah.

Sidda laga soo xigtay Fowziya, bukaanka kaliya ee maanta ku biiray liiska geerida caabuqa ayaa ku dhintay magaalada Baraawe, gobolka Shabeellaha Hoose.

"Tiradda dadka caafimaadey waxay sii mareysaa 135 qof," ayay raacisay Fowziya, oo dadweynaha ku boorisay in ay xoojiyaan taxadarka.

Soomaaliya ayaa kamid ah liiska 15-ka dal ee saameynta ugu badan uu ku yeeshay Covid-19 ee qaaradda Afrika, sidda ku cad warbixin dhowaan kasoo baxday Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee loosoo gaabiyo WHO.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM