Soomaaliya oo laga xaqiijiyey geeri iyo kiisas horleh oo ah Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in 48-dii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 85 xaaladood cusub oo ah safmareenka Coronavirus.

Sidda lagu sheegay warbixinta maalinlaha ah ee 6-da, May, 2020, kiisaska cusub ayaa laga diiwaan-geliyey Somaliland: 29, Benadir: 19, Galmudug: 17, Jubbaland: 14, Koonfur Galbeed: 5 iyo Hirshabelle: 1.

Bukaanadda cusub oo u badan kuwa lagu daartay ama ay qaad-siiyeen shaqsiyaad horey uu u heelay cudurka waxaa Lab ah 58, halka 27-da kalana ay yihiin Haween ama Dhedig, sidda lagu caddeeyay warbixinta.

Wadarta kiisaska ayaa waxay noqoneysaa 2,289, taas oo la macno ah in ay ku dhow-dahay 2,300 oo ay buux-sami karto saacadaha soo aadan.

Nasiib darro, waxaa cudurka sidda fudud u faafa u geeriyooday saddex muwaadin oo horleh, taas oo wadarta guud ahaan ka dhigaysa 82 marxuum.

Hase ahaatee, waxaa ka caafimaadey saddex iyo tobban [13] bukaan oo horleh, waxaana tiradda guud ee bogsashadda ay sii cagacageyneysaa 431 qof.

Gudaha Soomaaliya, xanuunka waa mid si aayar ah ugu sii faafaya gobolada iyo magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Balse, dadweynaha waxaa lagu dhaliilayaa in ay ku dhaqmeyn fariimaha wacyi-gelinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu xalin karo xiisadda Masar iyo Itoobiya

Hadalkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Itoobiya si rasmi ah u daahfurtay biyo-xireenka.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 12:28PM

Booliiska oo Xiray TikTokers Heestii Ololaha Doorashadda Xasan Sheekh u bedelay Aflagaado

Xariggan ayaa dib u kiciyay dood adag oo ku saabsan doorka baraha bulshada ee Soomaaliya, gaar ahaan TikTok.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 06:03AM